Muqdisho: (Sh.M.Network) Madaxweynaha Dowladda Soomaailya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxyadii shalay ka dhacay Maqaaxi kasoo horjeeda Guriga Hooyooyinka, isagoo dhinaca kale sheegay in Qaraxyada ka dhacaya Muqdisho aysan waxba u dhimeyn Dowladda.
Xilli qaraxyo dad badan ay ku geeriyoodeen oo ay ku jiraan Rag Saxafiyiin ah uu gallinkii dambe ee shalay ka dhacay Baar lagu magacaabo The Village oo kaabiga ku haya Guriga Hooyooyinka ayaa qaraxyadaasi waxaa cambaareeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud.
Madaxweynaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in qaraxyadaasi uu aad ugu xun yahay islamarkaana uu cambaareynayo islamarkaana dadkii falkaasi gaystay ay yihiin kuwa aan waxba ka aqoon bini’aadannimada.
Xasan Sheekh Max’ud ayaa waxa uu sheegay in Dowladnimada ka hana qaadday dalka aysan waxba u dhimi doonin Qaraxyada ay geysanayaan waxa uu ugu yeeray Ururka Al-qaacidda sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Laamaha ammaanka si wax looga qabto dhibaatooyinka ay maleegayaan AL Shabaab oo uu tibaaxay in uu dhamaaday waqtigooda.
Inka badan 13-ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dad rayid ah oo ku jiray Saxafiyiin caanka ah Magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan Madaxda dowladda ay cambaareeyeen qaraxyadaasi.























Comments are closed.