Madaxweynaha Soomaaliland oo si kulul Uga hadlay aqoonsiga Mareekanku U fidiyay dowladda Soomaaliya

maalik_som January 30, 2013 Comments Off

Hargeysa  ( Sh.M.NetworkMark) Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland oo qudbad U jeedinayay Labada Gole ee Maamulkaasi ayaa waxa uu ka hadlay arrinta aqoonsiga dowladda Mareekanka ay Ufidisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Tilmaamay in waxba aaney ku quseyn Aqoonsiga La siiyay dowladda Soomaaliya balse iyagu ay Yihiin Dal Madaxbanaan Sida uu hadalka U dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa   Carabka ku dhuftay in iyaga iyo dowladda Mareekanka uu ka dhexeeyo iskaashi Wanaagsan islamar ahaantaana Qunsul Mareekanku uu leeyahay uu ku suganyahay Soomaaliland.

Dhankale Axmed Siilaanyo ayaa ka hadlay Xiriirka Maamulkiisa kala dhexeeyo Wadamada Yurub Kuwaas oo uu sheegay in iskaashi iyo Xiriir Wanaagsan uu ka dhexeeyo.

Sikastaba Hadalka Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo dhawaan Dowladda Mareekanka ay aqoonsi Rasmi ah U fidisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Comments are closed.

Facebook

Twitter