Madaxweynaha oo la shiray Saxaafadda Muqdisho (Sawirro)

maalik_som November 9, 2012 Comments Off

 

Republic of Somalia

The Presidency

Office of the Chief of Staff

Directorate of Communications

JS/XM/DOC/     555/12                                                                                       Date:09 /11/2012

War-Saxaafaddeed:

 (Mogadishu, Somalia, November,09, 2012) )  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay,  wariyayaashii ka soo laabtay magaaladda Kismaayo, madaxda warbaahinta Soomaalida,tifaftirayaal, iyo qaar ka mid ah wakiiladda warbaahinta Caalamiga ah.

Ugu horeyn Madaxweynahu wuxuu warbixin ku qotanta daruufaha iyo dhibaatooyinka heysta saxaafadda ka dhageystay  tifaftirayaal iyo qaar ka mid ah madaxda warbaahinta .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa balan qaaday in Dowladda Soomaaliya wax  ka qaban doonto dhibaatooyinka  heysta Saxaafadda Soomaaliyeed islamarkaana  guddi  u saari doonto wariyayaashii Sannadkaan lagu dilay Soomaaliya.

“ Aad  ayaan uga xunnahay dilka wariyayaasha,Dowladdu  waxay ku dadaali doontaa sidii dilalkaan looga hortagi lahaa, Wariye  ayaa la dilay ama qof kale haddana  laga gudbo ma’aha wax la qaadan karo , Dowladdu  marka hore  waxay baaritaan ku sameeyn doontaa wariyayaashii Sanadkan lagu dilay Soomaaliya ee gaaraya 18-ka Wariye, guddi ayaa loo saari doonaa  (Task Force) sida ugu dhaqsaha badan” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaaliyeed in hey’adaha ammaanka gacan ku siiyaan sugidda  amniga iyo sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa shaqsiyaadka ka dambeeya dilalka saxaafadda isagoona  ka codsaday beesha caalamka in  hey’adaha ammaan gacan-kusiiyaan sugidda nabad-geliyada.

-  Dhamaad –

Agaasinka Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

      Daawo Sawirada Kulanka

 

 

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter