Muqdisho: (Sh.M.Network) 1-Xubnaha ururada bulshada rayidka ah(SCSC) oo ay ku bahoobeen in ka badan120 urur ayaa waxa kulan uga socday magaalada Muqdisho muddo afar maalmood ah.
2-Ururradu waxa ay si dag u canbaarey ayaan dilka is daba joogga ah ee soo cusboonaadey maalmahan dambe.
3-Sida hoobiyayaasha lala beegsadey bara kacayaasha, falalkii dhowrka ahaa ee is miidaaminta ahaa oo dhacay maalmihii la soo dhaafay oo ay ku dhinteen: carruur, haween, waayeel, suxufiyiin iyo dad kale oo aan waxba geysan.
4-In badan oo dadkaas ka mid ahaa waxa ay ahaayeen dad ku hawlan nolol maalmeedkooda.
5-Waxa kale oo aan canbaareynaynaa dilalka lala beegsanayo masuuliyiinta oo loola jeedo in la demiyo isbedelka iyo iftiinka yar ee ummadda u baxaya.
6-Falalkaas foosha xun waxay caddeynayaan in dhagar qabayaashu aanay dan ka laheyn nolosha iyo jiritaanka shacabka Soomaaliyeed.
7-Bulshada rayidka ah waxay ku baaqayaan; in la sugo badbaadinta shacabka ku nool goobaha dhowaan la xoreeyey iyo kuwa ay dagaalladu ka socdaan.
8-Bulshada rayidka waxay ku baaqayaan kana soo hor jeedaan in carruurta iyo dhallinyarda loo adeegsado dagaallada.
9-Waxa kale eey ugu baaqayaan waalidiinta in ay ka digtoonaadaan in ilmahooda loo adeegsado fulinta falalka foosha xun ayna ku dadaalaan sidii ay wax u bari lahaayeen.
10-Bulshada rayidka ah waxa ay ugu baaqayaan in dhamaan bulsha weynta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan xasilinta amaanka iyo dib u dhiska waddanka
11- Bushada rayidku waxa ay tacsi u dirayaan dhamaan qaraabadii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintey iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa ee dhawaanahan ka dhacayey magaalada Muqdisho.
12-Bulshada rayidku waxa ay garab taagan yihiin dawladda waxaana ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan amniga, nabadda iyo horumarinta qaranka.
13- waxaan soo dhoweyneynaa hirgelinta iyo taaba gelinta Halku dhiggii Madaxweynaha ee ahaa “AMNIGA, AMNIGA, AMNIGA”.



























Comments are closed.