Tripoli: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee dalka Libya Max’ed Al-maqriif ayaa sheegay in dalalka Soomaaliya iyo Libya ay qatar ku hayaan Kooxda Al Shabaab kuwaasi oo aan dooneynin inay ka hana qaaddo Dimuqraadiyadda casriga ah.
Max’ed Al-maqriif oo ka hadlayay Magaalada Tripoli ee Xarunta dalka Libya ayaa tibaaxay in Soomaaliya hadda ay ku jirto xaalad kala guur ah, Al Shabaabna ay doonayaan inay burburiyaan Dimuqraadiyadda hadda ka hana qaadday dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Libya ayaa dhinaca kale sheegay in hadda Soomaaliya hadda ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Ammaanka ee Dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM oo doonaya inay la wareegaan Saldhigyadii ugu dambeeyay Al Shabaab ee gobolada Jubbooyinka.
Ugu dambeyn ayaa waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in la garab istaago Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud oo uu sheegay in uu yahay nin wax ka qaban kara xaaladihii khalaf sanaa ee uu soo maray dalka Soomaaliya, ahna nin aqoon leh oo aan ka qeyb gallin dagaaladii sokeeya.























Comments are closed.