Muqdisho(Sh.M.Network)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Waddanka Suudaan halkaasi oo uu uga qayb galayo Munaasabad Suudaan ay ugu dabaal dageyso Markii ay Xurnimada qaadatay
Wafdiga Madaxweynaha oo ka degay Gobolka Blue Nill ayaa si weyn waxaa loogu soo dhaweeyay halkaasi iyagoo kadib loo sii kexeeyay Magaalada Khartuum ee Caasimadda waddankaasi Suudaan
Madaxweynaha ayaa kadib markii uu ka qayb galo Munaasabadani waxaa la filayaa in kulamo uu la qaato dhigiisa dalkaasi Cumar Xasan Al Bashiir si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal.
Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ay booqasho ku tageen dalalka Kenya iyo Uganda halkaasi oo ay kula soo kulmeen Masuuliyiin ka tirsan dowladahaasi























Comments are closed.