Madaxweynaha Soomaaliya Pro Xasan Sheekh Maxamuud oo u Hambalyeeyey Barrack Obama

maalik_som November 8, 2012 Comments Off

MOGADISHU (Sh.M..Network) – Madaxweynaha Dowlladda Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamud ayaa maanta oo arabaco ah waxa uu hambalyo u direy dhigiisa Mareekanka Barrack Obama guushii uu ka gaarey Doorashooyinkii ka dhacday Wadanka Mareekanka .

“ Anigoo ku hadlaya Magaceyga iyo Magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Magaca Shacabka Soomaaliyeed , Waxaan ku faraxasanahay hambalyana u dirayaa guushii uu ka gaarey Madaxweyne Obama Doorashadii ka dhacdey wadanka mareekanka isla markaana uu 4 sano kale sii haynayo Xilka Madaxtinimada ee Aqalka Cad . “

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyey dhamaan Shacab weynaha Mareekanka oo uu ugu hambalaayey doorashada ay soo deerteen madaxweyne wax qabad leh .

Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegy in Maxadweyne Barrack Obama uu yahay Madaxweyne Howl Kar Ah isla Mar ahaataana sii wadi doono Howsha ay ka sugayaan Shacabka Mareekanka iyo Wadamada Caalamka ee Calaqaadka uu kal dahxeeyo Mareekanka .

Comments are closed.

Facebook

Twitter