Muqdisho: (Sh.M.Network)—Waxaa Goordhow Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya uu u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo ku magac dheer Saacid.
Munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Kaasi oo maanta wixii ka dambeeya ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Afarta sano ee soo socota.
Magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Mudane Jawaari.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday wadatashiyo uu la qaadanayay Beesha Caalamka iyo waliba dadka u dhun duleela arrimaha Soomaaliya.
Wixi kusoo kordhaa iyo Mas’uuliyiintii ka hadashaa kala soco Shabelle.net haddi Alle idmo.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.