Madax ku qul qulaysa Madasha Doorashada Madaxtinimo ee dalka

maalik_som September 10, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Waxaa xusid mudan in Doorashada xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ay isu soo taageen Musharixiin badan oo midba mid kale kale uu doonayo in uu qabta xilka Madaxtinimo ee dalka. 

Xildhibaano ka tirsan barlamanka, Mas’uuliyiin heer Caalami ah ayaa ku qul qulaysa Madasha Xarunta Iskool Buluusiya ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo la filayo inay ka dhacdo Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya. 

Ciidamada Dowladda ayaa si aad ah u adkeeyay waddooyinka ugu waaweyn ee Magaalada Muqdisho, iyagoo ka hortagaya dhibaatooyin ka dhaca Magaalada Muqdisho. 

Shacab badan ayaa maanta sugaya cidda qaban doonta qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, iyadoo ay jiraan Musharixiin badan oo u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Aqriso Musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya oo gaaraya 25-Musharax

1.Xuseen Khaliif Jaamac
2.Maxamed Axmed Saalax
3.Salaad Cali Jeele
4.Ibraahim Cali Xuseen
5.Saciid Ciise Maxamuud
6.Cismaan Maxamed Gacal
7.Maxamed C/laahi Oomaar
8.Maxamed C/Weli sheikh Yuusuf
9.Maslax Maxamed Siyaad
10. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabid
11. C/raxmaan Baadiyoow
12. C/waaxid Cilmi Goonjeex
13. C/laahi Axmed Cadoow
14. C/weli Maxamed Cali Gaas
15. Maxamed C/laahi Farmaajo
16. Axmed Ismaaciil Samatar
17. Xasan Sheekh Maxamuud
18. Shariif Sheekh Axmed
19. Yuusuf Garaad Cumar
20. Cumar Salaad Cilmi
21. C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
22. Bashiir Nuur Bidaar
23. Xaaji Maxamed Yaasiin
24. C/qaadir Cosoble
25.C/raxmaan C/Shakuur
 

Comments are closed.

Facebook

Twitter