New York: (Sh.M.Network) Kullankaani oo ahaa mid u dhaxeeyay sii haya xilka Ra’iisul wasaarenimo ee Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda isu tagga Imaaraadka Carabta Cabdullaahi Binzay Al-nahayaan ayaa waxa ay kaga hadleen Xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Imaaraadka ayaa waxa uu kullanka ka sheegay in Dowladdiisa ay taageero la garab taagan tahay Soomaaliya islamarkaana ay sii wadi doonto gurmedka ay u fudiso shacabka Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kale ballan qaaday inay maalgashi ku sameyn doonaan dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Mas’uulkaani ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay gacan ku siin doonaan la dagaalanka Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo uu sheegay inay caqabad weyn u yihiin biyaha Caalamiga ah.
Ugu dambeyn C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxa uu kaga mahaceliyay Doorka Imaaraadka ay ku leedahay arrimaha Soomaaliya, isagoo dhanka kale ugu baaqay wadamada Caalamka inay taageeraan Xaaladaha Soomaaliya.























Comments are closed.