Kismaayo: (Sh. M. Network) Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Kenya oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa Madaafiic isku weedaarsaday deegaanno ka tirsan Jubbada hoose.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Dowladda, Kenya iyo Xarakada Al Shabaab deegaanno hoostaga Magaalada Kismaayo ay isku weedaarsadeen Madaafiic xooggan oo sida la sheegay gaysatay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Madaafiicda ayaa ka dambeysay kaddib xiisado dagaal oo muddooyinkii dambe meeshaasi ka taagnaa, waxaana la maqlayay Madaafiic ay isku ridayaan dhinacyada halkaasi isaga soo horjeeda iyo diyaarado dagaal oo dul heehaabaya meelaha ay Madaafiicdu ka dhacaysay.
“Madaafiic xooggan ayay aheyd, labada dhinacba way isku tuurayeen, aniga qasaaro ma arkin, laakiin wali cabsi ayaa jirta” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Sidoo kale saakay ayaa Ciidamada dowladda waxa ay soo buuxdhaafiyeen deegaanno hoostaga Magaalada Kismaayo, iyagoo doonaya inay duulaan ku qaadaan Magaalada Kismaayo, inkastoo dhinaca kale Al Shabaab ay iyana ku sugan yihii meel aan sidaasi kaga fogeyn Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xaaladda deegaannadaasi, wallow marar badan ay halkaasi ku dagaalameen Ciidamada Dowladda, Kenya iyo AL Shabaab.























Comments are closed.