Muqdisho: (Sh.M.Network)—Iyadoo muddooyinkii dambe falal ammaan darri ay ka jireen Xaafadaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa haddana dhibaatooyinkaasi waxaa ka hadlay Guddoomiyaha degmada Dayniile ee dowladda Soomaaliya.
Daahir Xasan Xuseen, Guddoomiyaha degmada Dayniile oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aan marna wax laga qaban karin ammaan darridaasi illaa la helo Ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa booliska Soomaaliya si ay ugu hortagaan falalkaasi ammaan darri sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka loo baahan yahay dhankooda inay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda ee ku sugan gudaha degmadaasi, si looga hortago dhibaatooyinka ka dhaca gudaha degmadaasi.
Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli ammaan darrida laga soo sheegayay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.























Comments are closed.