Maamulka Shibis oo qab qabtay gacan ku dhiiglayaal

maalik_som September 18, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) — Maamulka degmada Shibis ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dad dil ka gaystay gudaha degmadaasi.

Daa’uud Max’ed Cabdulle, guddoomiyaha degamada Shibis ee gobolka Banaadir oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay xaaladda Ammaan ee degmadaasi oo ay muddooyinkii dambe  ka dhacayeen falal ka dhan ah ammaanka iyo dilal qorsheysan kuwaasi oo loo geysanayay dadka rayid ah ee ku dhaqan degamadaasi. 

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Ammaanka ee degamadaasi ay ku soo qab qabteen dad lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ka dambeeyeen dil habeeno ka hor loo geystay mid ka mid ah dhaliyarada ku dhaqan degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxana uu tibaaxay in dadkaasi lagu wareejiyay Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed. 

Hadalka ayaa waxa uu imaanaya xilli muddooyinkii dambe degmada Shibis ay ka dhacayeen falal amaan dari iyo dilal qosheysan kuwaasi oo lagula kacayo dadka rayidka ah ee  ku dhaqan degmadaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter