Marka(Sh.M.Network)—Cabdi qaadir Max’ed Nuur Siidii Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose oo uwaramayay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ay fashilyeen weeraro qaraxyo ah oo ku soo wajahnaa Gobolka banaadir.
Guddoomiyaha ayaa xusay in dhowr weerar oo laga soo abaabulay Gobolka Sh/hoose oo ku soo Jeeday Gobolka Banaadir ay qabteen isagoo tilmaamay in weeraradaasi ay ubadnaayeen kuwa isqarxin ah.
Cabdi qaadir Siidii Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose ayaa Dhinaca kale sheegay in waxbadan Maamulkiisa uu ka qabtay ammaanka Guud ee Gobolkaasi isagoo tilmaamay in ay isdhimeeb weeraradii ka dhici Jiray Gobolkaasi taas oo ugu wacan sida Guddoomiyuhu uu sheegay howl gallo isdaba Jooga oo Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM halkaasi ka sameeyeen.
Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose ayaa Carabka ku adkeeyay in ay ka go’antahay in ay sii kordhiyaan Howl galladooda si ammaanka Gobolka uu u ahaado mid la isugu hallen karo isagoona umahad Celiyay Shacabka Ku dhaqan Gobolkaasi sida wacan ee ay Ciidamada Dowladda ula shaqeynayaan.
Gobolka Shabeelaha Hoose oo horay ay umaamulayeen Ururka Al Shabaab ayaa Mararka qaar waxaa ka dhaca weeraro, Beegsi iyo dhibaatooyin kale oo caqabad ku ah amniga deegaanada Gobolkaasi























Comments are closed.