Maamulka Sh/dhexe ee Dowladda oo sheegay inay la wareegayaan Jowhar

maalik_som September 5, 2012 Comments Off

Ceel-macaan: (Sh. M. Network) Maamulka gobolka Sh/dhexe ee dowladda ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada xoogga ay ka go’an tahay la wareegitaanka Magaalada Jowhar iyo deegaannada kale oo ay Shabaabku kaga sugan yihiin gobolkaasi.  

Afhayeenka Maamulka gobolka Sh/dhexe ee Dowladda Daa’uud Xaaji Ciiro oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in hadda aysan jirin awood ay Al Shabaab ku horistaagan Ciidamada Xoogga dalka iyo AMISOM.

Daa’uud ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidamada Dowladda iyo Saraakiishoodu ay ka go’an tahay la wareegidda guud ahaan deegaannada gobolka Sh/dhexe ay ka Maamulaan Kooxda Al Shabaab, islamarkaana haatan ay ku wajahan yihiin Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe oo uu xusay in goor dhow gacantooda ay soo gali doonto.

Afhayeenka ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaannada gobolka Sh/dhexe inay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM,  maadaama uu tibaaxay in Al Shabaab ay dhibaatooyin ku hayaan, ayna kasoo horjeedaan nabad ka dhalata dalka Soomaaliya.

Shalay ayay ahedy markii duulaan qorsheysan oo ay qaadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kula wareegeen deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe side deegaanka Ceel-macaan oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Al Shabaab iy odeegaanno kale oo ka baxsan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter