Maamulka Sh/dhexe ee Dowladda oo lagu eedeeyay hubaynta Maleeshiyaad

maalik_som September 23, 2012 Comments Off

Balcad: (Sh.M.Network) Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa faah faahin ka bixiyay eedeymo loo jeediyay oo ku aaddanaa in Maleeshiyaad ay ku hubaynayaan gudaha degmadaasi. 

Iyadoo maalmihii dambe ay soo baxayeen hadal heynta ku saabsan in Maamulka gobolka Sh/dhexe uu hubaynayo dhalinyaro Maleeshiyo Beeleed ah oo sida la sheegay kasoo goosatay Al Shabaab ayaa arrimahaasi waxaa faah faahin ka bixiyay isla Maamulkaasi. 

Guddoomiyaha degmada Balcad ee dowladda Soomaaliya Cismaan Max’ed Max’ud ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Maleeshiyaadkaasi ay ahaayeen kuwa ka tirsanaa Al Shabaab islamarkaana hadda ay kusoo biireen Dowladda si ay ula dagaalamaan Kooxahaasi.

“ Al Shabaab way ahaayeen laakiin hadda maahan, waxaa ka go’an inay la dagaalamaan AL Shabaab, waayo waxay ogaadeen in Al Shabaab is qarxin iyo inay Miino dadka ku dilaan mooye aysan wax kale haynin” sidaasi waxa yiri Guddoomiyaha Degmada Balcad ee Dowladda Sooamaaliya. 

Dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo Xiisado dagaal ayaa waxa ay ka taagan yihiin deegaanno ka tirsan gobolka Sh/dhexe, maadaama la tibaaxay in Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwa AMISOM ay gaareen deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter