Maamulka Isbitaalka Madiina oo ka warbixiyay xaaladda dad ku soo dhaawacmay qarax ka dhacay Xaflad Aroos

maalik_som October 20, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Xilli Fiidnamadii  xalay Bam gacmeed lagu weeraray guri xaflad aroos ah ay ka soconeysay oo kuyaalla agagaarka warshadda Caanaha degmada Hodan ee Gobolka Banaadir weerarkaasi oo sababay dhaawac soo gaaray dad ka badan 10 qof .

Dhaawacayadii ka dhahsay weerarkaasi ayaa lageeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho iyadoo qaar ka mid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina ay faah faahin ka bixiyeen Xaaladda dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ka dhacay degmada hodan ee Gobolka banaadir.

Dr Saciid Cabdi qaadir Daahir oo ka mid ah howl wadeenada Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in xaaladda dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi ay tahay mid soo wanaagsanaaneysa isagoona xusay in dhaqaatiirta Caafimaadka ee Isbitaalkaasi ay la tacaalayaan dadkii ku soo wax yeeloobay qarxaasi ee xilligaasi jiifay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho

Comments are closed.

Facebook

Twitter