Maamulka Isbitaalka baladweyne oo ka hadlay Bixitaanka MSF

maalik_som December 31, 2012 Comments Off

Baladweyne(Sh.M.Network)—Xilli maanta Hey’adda MSF ay isaga baxday Isbitaalka Guud ee Maagalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xaaladda Isbitaalka ka warbixiyay Maamulka Isbitaalka Magaalaada Baladweyne.

Agaasimaha Isbitalka Magaalaada Baladweyne  Axmed Max’ed Khaliif oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaalad xun ay soo wajahday Isbitaalka maadaama ay isaga baxday Hey’adda MSF oo muddo 6 sano ah gacanta ku heysay.

Agaasimaha ayaa xusay in Isbitaalka ay ku tiirsanaayeen dadka ku nool Gobolka Hiiraan iyo Gobollada ku teedsan isagoona Carabka ku dhuftay in Isbitaalka ay Jiifaan 85 Bukaan oo la ildaran Cudurro kala duwan.

Sidoo kale Agaasimaha Isbitaalka Magaaalada Baladweyne ayaa sheegay in markii ay bexeysay Hey’adda MSF ay usheegtay in lacag la’aan ay soo wajahday.

Agaasimaha ayaa intaa sii raaciyay in Hey’adda ay siisay seddex bil daawadood shaqaalaha Isbitaalkana ay ku shaqeynayaan si Mutadawacnimo ah isagoona Xusay in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu lacag ugu deeqay Isbitaalka.

Isbitaalka Magaalada Baladweyne oo muddo 6 sano ah ay gacanta ku heysay Hey’adda MSf ayaa waxa ay howlo Caafimaad ugu tabarucesay Shacabka ku nool Gobolka Hiiraan balse bukaanada ku jira Isbitaalka Xilligaan ayaa wajahaya xaalad adag

Comments are closed.

Facebook

Twitter