Maamulka Huriwaa oo la wareegay Masaajid ku yaalla degmadaasi

maalik_som October 12, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) — Guddoomiyaha degmada Huriwaa ee Dowladda Soomaaliya Cumar Cabdulle Jacfaan oo la hadlay Radio Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay la wareegeen mid ka mid ah Masaajidda ku taalla gudaha degmadaasi kaddib markii ay  heleen Warbixinno ku aaddan in Al Shabaab ay weeraro kasoo abaabulaan. 

Jacfaan ayaa waxa uu tilmaamay inay heleen Xog ku aaddan in Masaajidkaasi lagu diyaarin jiray walxaha qarxa, islamarkaana weerarada iyo qaraxyo lagu qaado Ciidamada Dowladda Soomaaliya laga soo abaabuli jiray gudaha Masaajidkaasi sida uu hadalka u dhigay. 

Guddoomiyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in meel waliba oo lagu tuhmo inay laga abaabulo falal ka dhan ah ammaanka in Ciidamada Dowladda ay amar ku qabaan inay la wareegaan.

Dhawaan ayay aheyd markii Guddoomiyaha degmada Huriwaa ee Dowladda Soomaaliya uu ka bad baaday fal isku day dil ah oo la doonayay in lagu qaarajiyo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter