Baladweyne: (Sh.M.Network)— Maamulka gobolka Hiiraan ee Dowlada Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay Roobab saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah oo ka da’ay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Xilli saacadihii u dambeeyay ay Roobab mahiigaan ah oo lagu diirsaday ay ka da’eeyeen Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa roobabkaasi waxaa ay saameyn ku yeesheen Qoysaska barakacayaasha ah ee ku sugan gudaha Magaaladaasi.
Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya Axmed Cismaan Cabdalla Inji oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Cabasho ballaaran ay kasoo gaartay Qoysaska barakacayaasha ah ee ku sugan deegaannada gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Guddoomiye ku xiggeenka ayaa sheegay in Roobabkaasi ay ka dhasheen Caafimaad darri, isagoo xusay in Roobabka Daadka uu watay ay burburiyeen Guryo ka sameysnaa Cooshado oo ku yaalla gudaha Magaaladaasi.
Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa dhawan Roobab ka da’ay waxa uu sababay in uu fataho Wabiga Shabelle oo mara halkaasi, iyadoo ay ku guryo beeleen dad badan oo ku sugnaa halkaasi.























Comments are closed.