Maamulka Gobolka Sh.Hoose oo Sheegey iney ka Saarayaan Alshabaab Deeganada Wali ay ka Joogaan

maalik_som November 9, 2012 Comments Off

Muqdisho ( Sh.M..Network ) – Cumar Max’uud Cilmi Guddoomiyaha Ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Sh/hoose oo lahadlay Shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan sidii Al Shabaab ay kaga saari lahaayeen deegaanada kala duwan ay kaga suganyihiin Gobolka Sh/hoose.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ayaa waxa uu tilmaamay in maalmihii dambe ay dajinayeen qorshayaal dagaal oo Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka maamulaan Gobolka Sh/hoose isagoona tilmaamay in ay kaashanaya Shacabka kudhaqan  Gobolkaasi.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu tibaaxay in Al Shabaab ay dhibaato ku hayaan Shacabka ku dhaqan deegaanada Gobolka Sh/hoose islamarkaana ay ku hayaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan isagoo carabka ku dhuftay in falalkaasi lagu dhibaateynayo Shacabka ay ka hortagayaan sida uu hadalka udhigay.

Gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM inkastoo Al Shabaab ay iyana Maamulaan deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolkaasi waxaana marar badan ku soo laalaabtay Gobolka Sh/hoose dagaalo udhexeeya Ciidamada dowladda Kuwa AMISOM oo iskaashanaya iyo Al Shabaab

Comments are closed.

Facebook

Twitter