Maamulka Degmada Balcad Oo sheegey In Laga Qaadey Isbaarooyinkii Yaaley

maalik_som December 3, 2012 Comments Off

Balcad (Sh.M.Network)—Gudoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabellada Dhexe Maxamed Maxamuud Xaadoole oo la Hadley idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegey iney ku guuleesteyn in la qaado isbaarooyinkii yaaley degmada Balcad ee gobolka Sh.hoose oo lacago looga qaadi jirey gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dhexe ee Dalka.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sidoo kale sheegey ayadana ay joojiyeen canshuuraha uu maamulka ka qaadi jirey degmada Balcad ee Gobolka Sh.Dhexe sida uu sheegey.

Maxamed Maxamuud Xaadoole Gudoomiyaah Degmada Balcad ee gobolka Sh.Dhexe ayaa sidoo kale waxa uu sheegey howlgalo ay sameeyeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku soo qabqabteyn rag sida uu sheegey ka tirsanaa ururka Alshabaab isla markaana carqaladeenayey amaanka ka jira degmada balcad ee Gobolka Sh.Dhexe asagoona sheegey in ragaasi ka tirsan ururka Alshabaab ay ku wareejin doonaan hay’adda nabad sugida Qaranka Dowladda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigey .

Hadalka ka soo baxay Maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Sh.dhexe ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo degmadaasi howlgalo maalmihii dambe ay ka sameenayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya howlgaladaas oo uu sheegey maamulka degmada iney ku soo qabqabteyn rag ka tirsan alshabaab iyo qaadista isbaarooyin yaaley Degmadaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter