Afgooye (Sh.M.Network)— Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxo qafaashay kolanyo gaadiid ah oo marayay degmadaasi.
Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amaanka maamulka degmada Afgooye oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay ku raad joogaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo gaadiid ka qafaashay degmadaasi.
Mahdi Axmed Xasan ayaa tilmaamay in kooxaha qafaashay gaadiidka kolonyada ah oo u socday gobolada dhexe islamarkaana marayay degmada Afgooye ay gacanta ku soo dhigi doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Guddoomiye kuxigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in marka ay gacanta ku soo dhigaan ragaasi afduubtay gaadiidka kolanyada ah ee marayay degmada Afgooye ay hor keeni doonaan cadaalada islamarkaana la marsiin doono waa jibkooda.
Maalmihii danbe ayaa waxaa degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose waxa ka dhacayay falal amaanka ka soo horjeeda kuwaasi oo ay maamulka degmadaasi sheegeen in ay wax ka qaban doonaan.























Comments are closed.