Maamulada Galmudug,Soomaaliland iyo Puntland oo ka hadlay Go’aanka Lagu laalay Xayiraadda Hubka ee Soomaaliya

maalik_som March 7, 2013 Comments Off

Muqdisho  (Sh.M.Network)—Xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu meel mariyay go’aanka Mudada sanadka ah Xayiraadda hubka looga qaadayo Soomaaliya ayaa waxaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay Go’aankaasi Maamulada kala duwan ee ka jira gudaha dalka.

Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Maamulka Soomaaliland oo lahadlay Idaacadda BBC da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa uu walaac Xoogan ka muujiyay in Soomaliya xilligaan laga qaado Xayiraadda dhinaca hubka ah ee saareed isagoona sheegay in haddii hubkaasi uu faraha u galo dowladda Soomaaliya  in qal qal uu ku imaanayo Ammaanka  Maamulka Soomaaliland waxaana uu ka dalbaday Qaramada Midoobay in arrintaasi si weyn looga fiirsado.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Max’ud Ceydiid Dirir ayaa isna Dhankiisa waxa uu sheegay in xilligaan aan loo baahneen in Soomaaliya laga qaado Xayiraadda dhinaca hubka ee saareed taasi oo uu sheegay in ay tahay Qatar horleh oo ku soo korortay Mandiqadda Geeska Afrika.

Max’ud Ceydiid ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ciidamada ay leedahay dowladda federaalka in ay yihiin Ciidamo beeleed islamarkaana aan laga soo xulin Gobollada dalka taasi oo uu tilmaamay in haddii hubkaasi uu faraha u galo ay suura galtahay in Soomaaliya ay ka dhacaan Markale dagaallo lagu hoobto.

Axmed Xasan Baasto Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug State ayaa isna waxa uu qabaa fikir ka duwan taas oo ah in Maamulkiisa uu si weyn u soo dhaweynayo Xayiraadda dhinaca Hubka ah ee laga qaaday Soomaaliya isagoo hoosta ka xariiqay in Go’aankaasi uu dhabar jab ku yahay wax uu ugu yeeray Al Qaacidada ku soo duushay Soomaaliya.

Tan iyo Markii ay dowladda Mareekanka ay Si Rasmi ah u aqoonsatay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo kordhayay hinaasaha Maamul Goboleedyo ka jira gudaha dalka ay ka qaadeen aqoonsigaasi kuwaasi marba marak ka dambeysay dhaliilayay tallaabooyinka Horumarka leh ee ay horay ugu qaadeyso dowladda Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter