Moqdisho (Sh.M.Network)—Taliska Ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal cusub oo lagu xaqiijinayo amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada booliska gobolka Banaadir Janaraal Axmed Xasan Maalin oo la hadalay Idaacada Shebelle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada booliska ay wadaan qorshe cusub oo ay ku xaqiijinayaan Amaanka Magaalada Muqdisho.
Janaraal Maalin ayaa tilmaamay in kooxo badan oo dhibaatooyin kawada Magaalada Muqdisho ay gacanta ku soo dhigi doonaan si amaanka Magaalada uu unoqdo mid la isku haleyn karo, haatana ay gacanta ku hayaan kooxo falal amaandaro ka geystay Muqdisho.
Taliyaha Ciidamada booliska gobolka Banaadir Janaraal Axmed Xasan Maalin ayaa xusay in qorshahan cusub ay haatan Ciidama boolisku ugu talagaleen in uu wax weyn ka badalo nabad ku soo celinta Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay rajo weyn ka qabaan booliska gobolka Banaadier.
Hadalka ka soo yeeray Taliyaha Ciidamada booliska gobolka Banaadir Janaraal Axmed Xasan Maalin ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli shalay Taliska AMISOM ay sheegeen in la xaqiijiyay Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho.



















Comments are closed.