Kullan looga hadlay wax ka qabashada ammaanka oo ka dhacay Baladweyne

maalik_som September 23, 2012 Comments Off

Baladweyne: (Sh.M.Network) Kullan looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa Kooxaha dadka  ku dhibaateeya Labiska dowladda ayaa waxa uu ka ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan. 

Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdalla (Inji) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay kullan seddax geesood ah oo ay yeesheen Saraakiisha Ciidamada Ethiopia, kuwa AMISOM iyo Maamulka gobolka Hiiraan. 

Axmed Inji ayaa waxa uu tilmaamay inay ka wada hadleen arrimo la xiriira ammaanka islamarkaana ay ku wada ballameen in la xareeyo Ciidamada dowladda oo ku sugan gudaha Magaaladaasi si waxa looga qabto Kooxo labisan dharka dowladda ee dhaca ka wada gudaha Magaaladaasi. 

Sidoo kale guddoomiye ku xiggeenka ayaa waxa uu sheegay Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta ay ka wada hadleen in dib u habeyn Xarumaha Ciidamada Dowladda ee ku yaalla Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan. 

Ugu dambeyn Ciidamada Jabuutiyaanka ah ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ee shalay gaaray Magaalada Baladweyne iyo Maamulka gobolka Hiiraan ayaa isku raacay sidii Al Shabaab ay ugu sifeyn lahaa goobaha ay kaga harsan yihiin gobolkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter