Muqdisho: (Sh. M. Network) Safiirada Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya oo uu wehliyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa maanta waxa ay si wada jir ah Magaalada Muqdisho kullan ay kula qaateen hoggaanka sare ee barlamanka Soomaaliya, guddiga farsamada oo shaqadoodii ay dhamaatay iyo Waliba Xubno matalaya guddiga doorashada barlamanka Soomaaliya.
Kullanka oo ka dhacay Howlka Shirarka ee Xerada Xalane oo saacado qaatay, Albaabaduna ay u xirnaayeen ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxaa Warbaahinta si wada jir ah ula hadlay guddoomiyaha barlamanka cusub ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika iyo sidoo kale Augustine Mahiga oo ah u qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Ugu horeyn shirka jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Prof. Max’ed Cismaan Jawaari kaasi oo sheegay in waxyaabihii ugu muhiimsanaa oo ay kaga wada hadleen Mas’uuliyinta ka socotay Beesha Caalamka ay ugu muhiim saneyd wada shaqeyn dhexmarta barlamanka Soomaaliya iyo barlamannada dalalka maanta Mas’uuliyiintoodu uu kullanka dhexmaray.
Alex Ronds oo ah Wakiilka Midowga Yurub ee geeska Afrika oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay fahmi karaan caqabadaha horyaalla Dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay inay laba jibaaraan taageerada mar kasta ay la garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan barlamanka Soomaaliya.
Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga oo isna kullanka ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in loosoo dhabar adeegay dhisidda barlamanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo loo maray hab aad u fiican, wuxuuna sheegay in Doorashada Afhayeenka cusub ee Soomaaliya ay dhabaha u xaareyso in Soomaaliya ay hesho Dowlad Federal ah oo loo dhan yahay taasi oo meesha ka saaraysa hanaankii Kumeel-gaarka ahaa ee Soomaaliya ay ku jirtay muddo ka badan 10-sano.
Mahiga ayaa waxa uu sheegay inay jiraan caqabado badan oo loo soo maray soo xulista barlamanka, iyadoo wali ay taagan tahay is qab qabsi la xiriira Xubno guddiga farsamada uu ka celiyay barlamanka, wuxuuna hadalkiisa ku daray in uu jiro hanaan wada hadal ah oo lagu dhameystirayo barlamanka iyo khilaafka ka taagan shaqsiyaadka ay diideen guddiga farsamada.
Ugu dambeyn Safiirada maana kullanka la qaatay Guddoonka sare ee barlamanka ayaa waxa ay ka kala socdeen wadamada Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Midowga Yurub iyo Diblumaasiyiin ka kala socotay wadamada Norway, Faransa, Kenya iyo Urur goboleedka IGAD.























Comments are closed.