Baydhabo: (Sh.M.Network)—Xilli dhawaan Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya uu R/wasaaraha dalka u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxa arrintaasi soo dhaweeyay Maamulka gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya C/fitaax Ibraahim Geeseey oo maanta la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in kullamo lagu taageerayo R/wasaaraha ay ka dhaceen Magaalooyinka gobolka Bay, isagoo sheegay in R/wasaaraha uu yahay mid howlkar ah oo ka bixi kara xilka loo magacaabay.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxa uu ugu baaqay R/wasaaraha in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo wax ka qabata xaaladda dalka, maadaama sida uu sheegay laga gudbay xilliga Kumeel-gaarka ah.
Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud uu ku dhawaaqay R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxa isasa toorayay hambalyada iyo bogaadinta loo jeedinayo R/wasaaraha kaasi oo ku aaddan in uu wax badan ka qabto xaaladaha dalka Soomaaliya islamarkaana uu soo dhiso Xukuumadda tayo leh oo la dagaalanta musuq maasuqa.























Comments are closed.