Muqdisho: (Sh. M. Network) Kullankaani ayaa waxaa ka qeyb galay Haweenka ku jira Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya, Fanaaniin iyo waliba qeybaha kala ee bulshada, waxaana dhamaantooda ay taageero u muujiyeen Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda KMG ah C/wali Max’ed Cali Gaas.
Xildhibaanad Sahro Qorsheel oo ugu horeyn goobta ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda KMG ah uu isaga Mas’uul ka ahaa horumarka laga gaaray dhinacyada ammanka siyaasadda iyo ka gudbidda marxaladda Kalaguurka ah islamarkaana uu yahay shaqsiga mudan in uu Madax ka noqdo dalka Soomaaliya.
Markii ay soo idlaadeen qudbadihii halkaasi ay ka jeediyeen Xildhibaanada Haweenka ah ee ka qeyb galay kullanka oo ahaa mid casho sharaf ah ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas kaasi oo sheegay in Xukuumaddiisa ay dhibaato kasoo martay in Haweenka Xildhibaanada barlamanka ay ka helaan %30, inkastoo taasi aysan dhicin ayaa haddana waxa uu rajo ka muujiyay in waqtiyada soo socda in Haweenka ay heli doonaan tirada saxda ah oo ay ku yeellanayaan barlamanka Soomaaliya.
Waqtiga Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ayaa ka harsan maalmo kooban, waxaana Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya ay xoojinayaan ololaha ay ugu jiraan sidii mid waliba uu ugu guuleysan lahaa qabashada xilkaasi.























Comments are closed.