Kullan lagu horumarinayay Hidaha iyo dhaqanka oo lagu qabtay Muqdisho

maalik_som September 30, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) Kullanka oo gabo gabo u ahaa kullan shalay Magaalada Muqdisho uga furmay Fanaaniinta Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wadatashiga ee CRD ayaa maanta waxaa lagu qabtay Xarunta Hay’addaasi  ay ka dagan tahay Magaalada Muqdisho. 

Gaba gabadii kullanka ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Hay’adda CRD iyo sidoo kale Fanaaniintii kasoo qayb gashay kullanka kuwaasi oo soo jeediyay talooyin la xiriira qaabka ugu wanaagsan ee loo hormarin karo hidaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ah Madaxa Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wadatashiga ee CRD oo gaba gabadii kullanka ka hadlay ayaa sheegay in waqtiyada soo socda ay jiri doonaan safaro dibadda loogu qaadi doono Fanaaniinta Soomaaliyeed si ay kaga qayb galaan tartamada Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee loo qabto wadamada Afrika. 

Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa xilligan muujinaya ififaalo wanaagsan maadaama waddanka uu galay marxalad cusub oo ka duwan kuwii hore,  waxaana ay rajo ka qabaan in mar kale dib loo soonooleeyo goobihii sida gaarka ah loogu xasuusto Fanka Soomaaliya sida National Tiyaatar ee Magaalada Muqdisho.

Comments are closed.

Facebook

Twitter