New York: (Sh.M.Network) — Shirkaani oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, ayna kasoo qeyb galeen dalalka Xubnaha ka ah Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, iyadoo halkaasi laga jeediyay qudbado kala duwan oo dhamaantooda ku saabsan arrimaha Soomaaliya.
U qeybsanaha dalka Ruushka ee Golaha Ammaanka ee QM oo qudbad ka horjeediyay shirka ayaa waxa uu ku dhaaraaday ka hadalka arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida, soo celinta ammaanka Soomaaliya iyo in taageero buuxda lasiiyo Dowladda Soomaaliya.
Diblumaasigaani ayaa waxa uu tilmaamay in Xukuumadda Mosko ay Dowladda Soomaaliya ku gacan siinayso la dagaalanka Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo dhibaatada ku noqday ammaanka Xeebaha Soomaaliya.
Sidoo kale kullanka waxaa ka hadlay Safiirka u fadhiya dalka China Qaramada Midoobay Lea Poa kaasi oo sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay muujiso Waxqabad la taaban karo, islamarkaana lagu dhaqmo Dastuurkii dhawaan lagu ansixiyay Magaalada Muqdisho, awoodda Dowladdana lagu baahiyo guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya.
Lea Poa ayaa waxa uu tibaaxay in dowladda Soomaaliya uu kula shaqeyn doono sugidda ammaanka, Siyaasadda iyo sidii dadka kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya loola furi lahaa wada hadallo taariikhi ah kuwaasi oo qeyb ka noqonaya in Dowladda ay saldhigato.
“Waxaa naga go’an in aanu la shaqeyno Dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Max’ud, inagoo ka qeyb qaadan doona soo celinta ammaanka iyo dhisitaanka Hay’adihii kala duwanaa ee ku burburay dalka Soomaaliya mudada ka badan 20-ka sano” sidaasi waxa yiri Lea Poa.























Comments are closed.