kulan looga hadlayay Maamul usameynta Jubooyinka oo ku soo gaba gaboobay Fashil iyo Guul darro

maalik_som January 4, 2013 Comments Off

Ceelwaaq(Sh.M.Network)—Kulankani oo ay lahaayeen Saraakiil iyo Masuuliyiin kakala  socda dhinacyada  Raas kaambooni,Ahlusunna Wal Jamaaaca,Maamulka Azania iyo Dowladda Soomaaliya ayaa ku soo idlaaday isfahanwaa iyo muran dhinacyadaasi ah.

Kulanka oo ka dhacayay Degmaad Ceel Waaq ee Gobolka Gedo ayaa diiradda lagu saarayay Maamul usameynta Gobollada Jubooyinka taasi oo la isku mari waayay iyadoo la tilmaamayo in kulankaasi ay garwadeen ka ahaayeen Masuuliyin ka tirsan urur Goboleedka IGAD oo dhawaan halkaasi gaaray

Axmed Max’uud Cabdi oo Kamida Saraakiisha dowladda ee Gobolka Gedo ayaa Idaacadda Shabelle uxaqiijiyay in kulankaasi uu ku soo Idlaaday is afgaran waa isagoo tibaaxay in muran xoogan uu kadhashay ajandaha looga hadlayay ee Shirka ee Maamul usameynta Gobolka Gedo.

Wafdi ka socda IGAD ayaa dhawaan gaaray Degmadaasi Ceel Waaq ee Gobolka Gedo kuwaasi oo isugu Yeeray dhinacyada ku sugan Gobollada Jubooyinka in ay ka soo qayb galaan Shir looga tashanayo Maamul usameynta Gobolkaasi kaas oo sida Muuqata ku soo gaba gaboobay fashil iyo is fahan waa.

Comments are closed.

Facebook

Twitter