Kulan looga hadlayay Maamul u sameynta Gobolka hiiraan oo ka dhacay Muqdisho

maalik_som February 1, 2013 Comments Off

Muqdisho ( Sh.M.Network) Kulankaani oo ahaa Mid Looga hadlayay Sidii Maamul Mideysan Loogu  sameyn lahaa Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu ka dhacay Maanta Magaalada Muqdisho iyadoona Kulankaasi ay Kasoo qayb Galeen Odayaal,Waxgarad,Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno Kasoo Jeeda Gobolka Hiiraan.

Kulankaasi ayaa waxaa Ugu Horeyn Hadallo Kooban Kasoo Jeediyay Xildhibaan Max’ed Max’uud Ibraahim Goodir Kaasi oo sheegay in Looga Baahanyahay Shacabka Ku dhaqan Gobolka Hiiraan in ay Ku dadaalaan Sidii ay Ku sameysan Lahaayeen Maamul Ku yimaada Rabitaankooda.

Xildhibaan Goodir oo hadalkiisa Sii wata ayaa Tilmaamay in Gobolka Hiiraan uu dibu dhac Ku Yimid isagoo Taasi Ku eedeeyay Hoggaanka dhaqanka oo uu  Xusay in aysan Ogeyn in ay yihiin Hoggaankii Gobolkaasi.

Xildhibaanka ayaa Hoosta ka xariiqay in Kulanka Maanta uu yahay Mid Loogu Gogol Xaarayo Kulan Maal Maha soo socdo ay isugu Imaan doonaan Xildhibaanada iyo Xubnaha Ku Jira Golaha Xukuumadda Federaalka Kadibna Lagu dhawaaqi doono Guddi Farsamo oo soo dhisa Maamul uu Yeesho Gobolka Hiiraan.

Boqor Faarax Cabdi Guure oo Ka mid ah Salaadiinta Kasoo Jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka codsaday Kasoo qayb Galayaashii Kulanka Maanta in Shirkaani uu sii socdo Illaa Lagu dhawaaqayo Maamul Mideysan oo Matala Shacabka Ku nool Gobolka Hiiraan.

Sikastaba Ha ahaatee Kulanka Maanta Looga hadlayay Maamul Loo sameeyo Gobolka Hiiraan ayaa Imaanaya Xilli Gobollada qaar ee dalka ay Ka socdaan olole Loogu Jiro Dhisidda Maamul Hoosyimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter