Muqdisho ( Sh.M.Network )— Ka dib Kulan Degdeg ah oo ay maanta Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku wada yeesheen Madaxda ugu Sareeso dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Gudiga Amniga Qaranka ayaa waxa ay kaga wada hadleyn sidii loo xaqiijin lahaa amaanka Gobolka Banaadir iyo Gobolada Kale ee Dalka .
Ra’iisulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo kulanka ka dib warbahainta la Hadley ayaa waxa uu sheegey in kulankooda ay kaga arinsadeen sidii wax looga qaban lahaa falalka amni daro ee mararka qaar ka dhaca Gobolka Banaadir waxa uuna intaa ku darey in ay isku raaceyn in amaanka la xaqiijiyo si shacabka nabad u helaan .
Dr Sacid ayaa sidoo kale waxa uu rajeeyey in mardambe aysan dib usoo laaban dhacdadii xalay ee weerarka hoobiyaasha ahaa ee xaafadaha qaar ee muqdisho ay ku wax yeeloobeyn Qoys Soomaaliyeed waxa uuna intaa raaciyey in wax Dowladda la dagaalamaaya ay yihiin kooxaha Nabad diidka ah sida uu hadalka u dhigey.
Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoonka Sare ee Baarlamaanka Prof Maxamed sheikh cusman Jawaari oo isna lahadley saxaafada ayaa waxa uu wacad ku marey in aysan Dowladda ka heri doonin koxaha nabad diidka ah ilaa muwaadinkarta oo Soomaali ah uu ka helo nabadgalyo buuxda .
Kulankani ayaa yimid kadib markii xalay tiro hoobiyaal ah oo gaaraya ilaa iyo afar ay ku dhaceyn xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir Kuwaasi oo ku waxyeeloobeyn Dad shacab ah oo aan Waxba Galabsan.























Comments are closed.