Baladweyne(Sh.M.Network)—Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa maanta ku yeeshay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolkaasi odayaal,Ganacsato iyo Saraakiisha Ciidamada jabuuti ee qaybta ka ah Howl galka AMISOM ee iyagu halkaasi Ku sugan.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowra sida amniga Gobolka Magacaabista Guddoomiye Cusub oo adayaashu ay yeeshaan iyo Heshiisiin Maamulka Gobolka iyo Ganacsatada Baladweyne oo ku aadan Khilaaf soo kala dhex galay kaasi oo salka ku haya arimaha Canshuur qaadista.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Fitaax Xasan Afrax oo ka hadlay Madasha ayaa dhankiisa sheegay in uu diyaar uyahay waxa Maamulku uu ku qaldanyahay in uu ka qanciyo Ganacsatada isagoo dhinaca kale tilmaamay in ammaanka dhankooda ay ka adkeenayaan.
Ganacsatada oo dhankooda hadlay ayaa iyana waxa ay soo Jeediyeen in Jid goo yooyinka Yaalla Magaalada Gabi ahaan la qaado si ammaanka iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha usahlanaado.
Ugu dambeyn kulanka ayaa ku soo gaba gaboobay jawigii loogu talagalay waxaana dhinacyadii ka qayb galay kulankaasi ay isku raaceen Xoojinta ammaanka Gobolka Hiiraan Gaar ahaan Magaalada Baladweyne























Comments are closed.