Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Xaafadaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qab qabteen dad badan oo lala xiriirinayo falal ammaan darri.
Howlgalladaani oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa maanta Ciidamada Dowladda oo isugu jira kuwa Nabad sugidda iyo booliska waxa ay ka sameeyeen Xaafadda Gubta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in howlgallada ay ahaayeen kuwa qorsheysan islamarkaana lagu qab qabtay ku dhawaad 200-oo ruux kuwaasi oo sida ay sheegeen qaarkood lala xiriirinayo Xarakada Al Shabaab.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in saakay illaa duhurnimadii maanta ay socdeen howlgallada islamarkaana dadka lagu daabulayay Gawaari ay wateen Ciidamada Dowladda sida ay hadalka u dhigeen.
Jawiga ayaa degan, waxaana howlgalladaani ay qeyb ka yihiin kuwa inta badan ka dhaca gudaha Magaalada Muqdisho oo sida la sheegay looga hortago kooxaha falalka ammaan darri ka gaysanaya.























Comments are closed.