Ku dhawaad 20-Musharax oo kullan ku yeeshay Muqdisho

maalik_som August 23, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Kullankaani oo ay isugu yimaadeen ku dhawaad 20-Musharax oo qaarkood ay yihiin kuwa ugu cad cad ee u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu soo bandhigay go’aanno ka koobnaa illaa iyo 3-qodob kuwaasi oo ay ka mid yihiin in la sameeyo guddi  musharixiintaasi kasoo dhex xula hal musharax uu u tar tama qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, qoondada Haweenka ee barlamanka cusub ee Soomaaliya iyo sidoo kale waxyaabaha la doonayo in Musharaxaasi uu ku sifoobo. 

Kullankooda kaddib ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Cismaaciil Hurre Buubaa oo u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya kaasi oo sheegay in Musharixiintaani oo muddooyinkii dambe kullan ku lahaa Muqdisho hadafkoodu uu yahay inay toosiyaan siyaasadda haatan dalka lagu Maamulo oo ay ku tilmaameen inay tahay mid qaldan, isagoo sheegay in Musharixiintu ay isku raaceen, kuna qanceen in la sameeyo guddigaasi. 

Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Musharaxa ay soo xullayaan guddigaasi waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga doonayo ay tahay in uu yahay qof waddani ah, aamin ah islamarkaana la macaamili kara Beesha Caalamka. 

Ugu dambeyn Madasha ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday qoondada Haweenka Soomaaliyeed ay ka heleen barlamanka cusub ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in la lunsaday xaqii Haweenka ay ku lahaayeen ka mid noqoshada barlamanka cusub ee Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter