Ku dhawaad 100-ruux oo lagu qab qabtay Afgooye, Sh/hoose

maalik_som September 25, 2012 Comments Off

Afgooye: (Sh.M.Network) Ku dhawaad 100-ruux ayaa lagu soo qab qabtay howlgallo ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose. 

Kaddib markii xalay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose Kooxo ku hubaysnaa Bastoollado ay ku dileen Wiil dhalinyaro ah ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxa ay maanta howlgallo ka sameeyeen Xaafadaha degmadaasi.

Goobjoogayaasha ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Ciidamada Boolis ah ay baaritaanno ku sameeyeen Xaafadaha ku yaalla degmada Afgooye kaasi oo ay kusoo qab qabteen illaa 60-dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen Xarakada Al Shabaab. 

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay sii socon doonaan howlgallada illaa laga xaqiijinayo amaanka Magaalada Afgooye oo muddooyinkii dambe ay ka dhaceen falal ammaan darri sida ay hadalka u dhigeen.

Inkastoo Xalay Kooxo hubaysan ay ku dileen degmada Afgooye qof rayid ah ayaa haddana Saraakiisha sar sare ee Ciidamada Xoogga dalka waxa ay sheegeen inay wax ka qabanayaan ammaanka degamdaasi oo kusoo kordhay falal ammaan darri.

Comments are closed.

Facebook

Twitter