Luuq: (Sh.M.Network) — Rasaas gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta Kooxo hubaysan waxa ay ku fureen dad Rakaab ah oo marayay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.
Sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen dad deegaanka ah, Kooxo hubaysan ayaa rasaas gaysatay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa ay ku fureen Gaari Rakaab ah oo marayay deegaanno hoostaga degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Inta la ogyahay 3-ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen, waxaana la sheegay in Kooxihii falkaasi gaystay ay isaga baxsadeen goobta.
“Walaal gaariga wuxuu ahaa mid rakaab ah, dad burcad ah ayaa nooga soo baxay Meel howd ah, kaddibna Rasaas ayay nagu soo fureen, 3-qof ayaa ku dhimatay dad kalena way ku dhaawacmeen” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Xaaladda ayaa degan, waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo gaaray halka ay dhibaatada ka dhacday ay sheegeen inay wadaan baaritaanno ku aaddan Kooxo dilka gaystay.
Inta badan waxa gobolada qaar ee dalka ka dhaca in Kooxo hubaysan oo burcad ah ay wadada u galaan Gawaarida Rakaabka ah, iyadoo aan jirin illaa iyo iminka cid tallaabo ka qaaday arrintaasi.























Comments are closed.