Kooxo labisan dharka dowladda oo dhac ka gaystay Huriwaa

maalik_som September 21, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) Xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir oo ganacsigii dib ugu soo laabanayay tan iyo markii meesha laga saaray AL Shabaab ayaa hadda waxaa kasoo cusboonaaday dhac iyo boob joogto ah oo ay gaysanayaan Kooxo ku labisan dareeska ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ganacsatada ku dhaqan Xaafaddaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen inay dhibaato ba’an ku qabaan kooxo ku labisan dareeska Ciidamada dowladda oo dhac iyo boob u gaysta.

“ Walaal xalay dhac xun ayaa naloo geystay, Ciidamo ayaa noo yimid waxayna agabyadeena iyo qalabkii kale ee ganacsi ku rarteen Gawaarida dagaalka, walaahi waa dhibaato” sidaasi waxa tiri Haweenay ka mid ah ganacasatadaasi oo ku dhaqan Xaafadda suuqa Xoolaha oo qarisay magaceeda. 

Ganacsatadaani ayaa si wadajir ah baaq ugu diray Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada qalabka sida in arrintaani wax lag qabto, maadaama ay dhibaato joogto ah ku qabaan Kooxahaasi.

Maalmihii dambe ayaa shacbaka ku dhaqan Huriwaa qaarkood waxa ay ka cabanayeen Kooxo ku labisan dareeska oo mararka qaar halkaasi ka gaysatay Xad gudubyo ay ka mid yihiin Kufsi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter