Kooxo ku labisan dharka dowladda oo dhac iyo kufsi ka wada Hodan

maalik_som September 29, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)   Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda ayaa boob iyo Kufsi ka wada degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Iyadoo degmada Hodan ee gobolka Banaadir ay ku nool yihiin dad badan oo barakacayaal ah oo ka yimid gobolada dalka xilligii abaarta ayaa waxa ay xilligaani cabasho xooggan ka muujinayaan rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda oo ku sugan degmadaasi. 

Qaar ka mid barakacayaashaani oo la hadlay Idaacadad Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Kooxahaani wata dharka Dowladda ay dhibato ku qabaan xilliyada habeenkii ah oo ay dhac u gaystaan, qaarkood ay gudaha degmada ka gaystaan Kufsi ay kula dhaqaaqaan Dumarka ku sugan gudaha degmadaasi sida ay hadalka u dhigeen. 

“ Dowladda waxaan ka dalbanaynaa inay wax ka qabato dhibaatooyinkaani, xaaladda ayaa nagu cakarin, ma ahan annagoo ahaa dadkii rayidka ahaa in nagula dhibaateeyo Muqdisho, waliba ay ka dambeeyaan dad wata dharka Ciidanka qaranka” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah. 

Muddooyinkii dambe ayaa waxa isa soo tarayay ragga ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda oo dhac iyo dhibaatooyin kale kula dhaqaaqa dadka shacabka ah ee ku nool qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, inkastoo in badan Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay wax ka qabanayaan arrimahaasi, hase ahaatee aysan qaadan tallaabo muuqata.

Comments are closed.

Facebook

Twitter