Boosaaso (Sh.M.Network)— Kooxo hubeysan ayaa xalay waxa ay weerar qasaaro geestey ku qaadeyn Fariisimo ciidamo ka tirsan Puntland ay ku lahaayeen Deegaano lagu magacaabo Sugure oo qiyaastii 50 KM kaga beegan magaalada Boosaaso.
Dagaalka oo in mudo ah socdey ayaa waxaa wararka ka soo baxaya ay sheegayaan in ay ku dhinteymn ku dhawaad 15 askari waxaana dadka dhaawacmey ku jira sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland oo ku sugnaa deegaankaasi.
Ciidamo ka tirsan Puntland oo gurmad ahaan u aadey Deegaanka Sugure oo doonayey in ay soo qaadaan dhaawaca sarkaal xalay ku dhaawacmey dagaalkaas ayaa qarax miino lala beegsadey waxaana halkaas ku dhintey inta la xaqiijiyey 12 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland .
Websitesyada Alshabaab ayaa lagu sheegey in ay alshabaab ay ka dambeeyeen weerarkaasi oo ku dileyn in ka badan 30 askari oo ka tirsan Ciidanka Puntland hasa ahaateen xaalada ayaa ah mid kacsan mana jiro wax war ah oo ka soo baxay mas’uulyiinta Puntland.























Comments are closed.