Kooxo Hubeysan oo Labo qof Siyaabo kala Duwan ugu Diley Magaalada Muqdisho

maalik_som November 9, 2012 Comments Off

Muqdisho ( Sh.M..Network ) –  Dabley hubeesan ayaa xalay siyaabo kala duwan ku diley labo nin oo la sheegey mid ka mid ah inuu ahaa askari katirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya .

Halka qofka kalena la sheegey inuu ahaa qof rayid ah  Sida ay sheegayaan dadka deegaanka suuqa xoolaha gara ahana xaafada ceel turcaaye  oo dilka uu ka dhacay kooxaha dilka geestey ayaa ku hubeesnaa bastoolado ayagoona halkaas ka baxsadey .

Ninka la diley ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan ayadoo wararka qaar ay sheegayana inuu ka tirsan yahay ciidamada nabad sugida Dowladda Soomaaliya halka wararka qaarna ay sheegayaan in uu ahaa nin rayid ah .

Meesha uu dilka ka dhacay ayaa la sheegey ineysan ciidanka Dowladda ka ag Dhaween mana aha markii ugu horeesey uu dil ka dhaco xaafada xuuqa xoolaha .

Comments are closed.

Facebook

Twitter