Kooxo hubeysan oo dhac iyo dil ka geystay inta u dhaxeysa Wanlaweyn iyo Buur-hakaba

maalik_eng October 19, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Kooxo hubeysan ayaa rasaas sababtay dhimasho iyo dhaawac waxa ay ku fureen gaari rakaab ahaa oo marayay wadad dheer ee isku xirta degmooyinka Wanlaweyn iyo Buur-hakaba.

Wararka laga helayo deegaanada u dhaxeeya degmooyinka Wanlaweyn iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan gobolada Sh/hoose iyo Bay ayaa waxa ay xaqiijinayaa in maanta barqadii ay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari rakaab ah oo marayay deegaanka Jiiro-kuulow oo ka mid ah deegaanada u dhaxeeya Wanlaweyn iyo Buur-hakaba.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa waxa uu ahaa nuuca loo yaqaano Hoomeyda, waxaana raasaasta ay kooxaha hubeysan ku fureegeen gaariga ku nafwaayay 2-ruux halka 5-kalana ay ku dhaawacmeen sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle.

Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa Shabelle u sheegay in dableydii falkaasi geystay ay gaariga ka dhaceen 20-milyan oo Shilinka Soomaaliga ah.

Dadka ku dhaawacmay oo 2-kamid ah xaaladooda laga deyrinayo ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho si halkaasi loogu daweeyo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter