Kooxo hubaysan oo weerar ku qaaday Guri ku yaalla Afgooye

maalik_som September 5, 2012 Comments Off

Afgooye: (Sh. M. Network)    Kooxo hubaysan ayaa Bambaanooyin gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa ay ku weerareen Guri ku yaalla gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Kooxo hubaysan ay Bambaanooyinka nuuca gacanta laga tuuro ay ku weerareen Guri ku yaalla Xaafadda Damaleey ee degmada Afgooye, islamarkaana halkaasi uu ka geeriyooday hal ruux seddax kalena uu dhaawac kasoo gaaray.

Kooxaha weerarka ay gaystay ayaa isaga baxsaday goobta, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda oo sameeyay howlgallo baaritaanno ah kuwaasi oo aa la ogeyn cidda lagu soo qab qabtay.

Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Guriga la weeraray lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya, taasina ay keentay in Kooxo hubaysan ay Bambaanooyin ku weeraraan.

Xaaladda ayaa degan, waxaana illaa iyo iminka aan la ogeyn cidda ka dambeysa weerarkaasi, inkastoo mararka qaar degmadaasi ay ka dhacaan weeraro qorsheysan oo lagu qaado Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Comments are closed.

Facebook

Twitter