Kooxo hubaysan oo Nabadoon Caan ahaa ku dilay Xerada IFO

maalik_som October 9, 2012 Comments Off

IFO: (Sh.M.Network)—Kooxo hubaysan ayaa xalay Nadoob Caan ka ahaa gobolada Jubbooyinka waxa ay ku toogteen Xerada Ifo ee Woqooyi bari dalka Kenya. 

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Kooxo ku hubaysan Bastoolado ay Xabado la dhaceen Nabadoonka oo ku sugnaa Xerada Ifo habeenimadii xalay sida la sheegay, waxaana Nabadoonka la dilay magaciisa lagu sheegay (Nabadoon Cali Diiriye Max’ud). 

“Xerada Ifo waaye meesha lagu dilay Nabadoonka, Kooxo watay Bastoolado ayaa toogtay” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka ku sugan Xerada Ifo oo qadka Taleefonka kula hadlay Idaacadda Shabelle. 

Ciidamo ka tirsan booliska dalka Kenya ayaa gaaray halkaasi, waxaana ay sameeyeen howlgallo aan la ogeyn cidda lagu soo qab qabtay.

Lama oga cidda ka dambeysa dilkaani iyo sababta loo beegsaday Nabadoonka, hase ahaatee dilalkaani ayaa qeyb ka ah kuwa qorsheysan ee inta badan ka dhaca gobolada Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter