Kooxo hubaysan oo labo ruux ku dilay degmada Huriwaa, Muqdisho

maalik_som September 23, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)  Kooxo ku hubaysan Bastoollado ayaa labo wiil oo dhalinyaro ah ku toogtay Xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir. 

Dilka Labadaani wiil ayaa noo xaqiijiyay dadka deegaanka ah oo arkayay Kooxaha dilka gaystay, waxaana ay sheegeen in labada Wiil oo socda ay kadaba tageen islamarkaana ay rasaas la dhaceen.

Kooxaha dilka gaystay ayaa isaga baxsaday goobta. Waxaana Ciidamo ka tirsan Dowladda oo gaaray halkaasi ay sameeyeen baaritaanno aan la ogeyn cidda lagu soo qab qabtay sida ay sheegeen dadka deegaanka ah. 

Lama oga cidda ay ka tirsan yihiin Kooxaha dilka gaystay iyo sababta loo dilay labadaani ruux, inkastoo ay qeyb ka yihiin kuwa inta badan ka dhaca Muqdisho. 

Saacado ka hor ayaa dil sidaani loo soo abaabulay waxaa lagu qaarijiyay Xildhibaan ka tirsanaa barlamanka oo ku sugnaa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Comments are closed.

Facebook

Twitter