Kismaayo: (Sh.M.Network) — Kooxo hubaysan ayaa waxa ay dil ka geysteen gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in illaa 3-ruux oo ku hubaysan Bastoollado ay toogasho ku dileen qof rayid ah oo ku sugnaa gudaha Magaaladaasi
Dilka kaddib ayaa kooxaha waxa ay isaga baxsadeen halkaasi, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay gaareen halkaasi, iyagoo sameeyay baaritaanno aan la ogeyn cidda lagu soo qab qabtay.
“Seddax qof ayay ahaayeen, ilaa dhowr Xabadood ayay ku dhufteen wiilka, kaddibna way carareen” sidaasi waxa yiri goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle oo qarixiyay magaciisa.
Macadda sababta dhabta ah ee loo dilay qofkaasi rayidka ah iyo cidda ka dambeysa, wallow dilkaani uu qeyb ka yahay kuwa inta badan ka dhaca Magaalada Kismaayo oo ay dhawaan la wareegeen Ciidamada Dowladda, Raaskambooni iyo kuwa Kenya oo qeybta ka ah AMISOM.























Comments are closed.