Caliyaale: (Sh.M.Network) — Wararka ka imaanaya degaanka Caliyaale ee duleedka Woqooyi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta lagu dilay Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen labo ruux oo ku hubaysnaa Bastoollado.
Goobjooge ku sugan goobta uu dilka ka dhacay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dilkaasi ay ka dambeeyeen labo ruux oo soo xirtay wajiga si aan loo fahmin, waxaana uu tilmaamay in dhowr xabadood ay ku dhufteen wiilka sida uu hadalka u dhigay.
“ Labo ayaa dilka fuliyay, wajiyada ayaana u duubnaa, markii ay dileen qof ayay halkaasi isaga baxsadeen, Ciidamada dowladda markaasi kaddib ayay yimaadeen” sidaasi waxaa yiri goobjoohaasi.
Deegaanka Caliyaale oo ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal nuucaani oo kale ah, waxaana dad badan ay qaati ka taagan yihiin Kooxaha ku hubaysan bastoolada ah ee fuliya dilka, iyadoo aan jirin tallaabo laga qaaday Kooxahaasi.























Comments are closed.