Gaalkacyo: (Sh.M.Network) Kooxo hubaysan ayaa dad rayid ah waxa ay ku dileen deegaanno hoostaga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Hal ruux ayaa ku geeriyooday labo kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kaddib markii Kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen dad Xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa meel Qiyaastii 10-KM u jira Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Dadka la dilay oo Xoolo dhaqatada ahaa ayaa ku sugnaa geed hoostiisa, waxaana rasaas oodda kaga qaaday Kooxahaasi, iyagoo markii ay dilka iyo dhaawaca gaysteen isaga baxsaday goobtaasi sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ah.
Arrintaani ayaa la sheegay inay salka ku hayso fal aargoosasho qabiil ah, waxaana mararka qaar ka dhaca Gobolka Mudug dagaal u dhaxeeya Beelaha dega gobolkaasi.
Majirto cid ka hadashay dilka dadkaani Xoolo dhaqatada ah, hase ahaatee lama oga halka ay ku dambeyn doonto xaaladda, inkastoo inta badan gobolada dalka qaarkood ay ka dhacaan dagaalo u dhaxeeya Beelo oo salka ku haya aargoosasho.























Comments are closed.